Thursday, December 18, 2025

Sheekh Shariif oo tagay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdiga Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Kismaayo.

Shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray R/wasaareyaal hore Kheyre, Rooble iyo Saacid Shirdoon, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, xubnaha mucaaradka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa daqiiqadaha soo aadan ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya golahan oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorsheyaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles