Liverpool ayaa markale jebisay rikoodhka suuqa Ingiriiska kadib markii ay dhammeystirtay saxiixa weeraryahankii Newcastle United, Alexander Isak, oo ku kacay £125m.
Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa horraantii xagaagan rikoodhka ku jebisay saxiixii Florian Wirtz oo £116m kaga yimid Bayer Leverkusen. Ka hor inta aan la gaarin xagaagan, waxaa kaliya afar jeer la dhaafay £100m gudaha Premier League.
Liiska saxiixyada ugu qaalisan ee Premier League:
- Alexander Isak – Newcastle → Liverpool (£125m)
- Florian Wirtz – Leverkusen → Liverpool (£116m)
- Moises Caicedo – Brighton → Chelsea (£115m)
- Enzo Fernandez – Benfica → Chelsea (£106.5m)
- Declan Rice – West Ham → Arsenal (£105m)
- Jack Grealish – Aston Villa → Man City (£100m)
- Romelu Lukaku – Inter Milan → Chelsea (£97.5m)
Liverpool ayaa sidaas ku noqotay kooxda ugu firfircoon suuqa xagaagan, iyadoo laba jeer jebisay rikoodhka taariikhiga ah ee Premier League.
W/Q Maxamed Xasan Nuur {Jillibeey}