Monday, November 17, 2025

Saraakiil ka socotay ciidamada Masar oo laga sagootiyay Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku joogay Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in booqashadan ay muujineyso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wuxuu u mahadceliyay saraakiisha iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee ku hawlanaa soo dhoweynta iyo fududeynta howlaha wafdiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo iskaashiga ay muujiyeen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles