Sunday, February 1, 2026

RW Xamsa oo qaabilay Safiirka Dalka Jarmalka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya mudane Sebastian Groth, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisul wasaare Xame ayaa safiirka la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Warshadaha iyo Xoolaha, kuwaas oo hadii langaliyo maalgelin ku haboon ay labada dalba ka wada faa’iideysan karaan.

Safiirka Jarmalka mudane Sebastian Groth, ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladda Jarmalku ay Soomaaliya ku samaysan doonto maalgashi dhinacyo badan leh, dhowaana ay dalka imaan doonaan masuuliyiin ka socda wasaaradda horumarinta iyo dhaqaalaha dowladda Jarmalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles