Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Xamsa Cabdi, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diiradda saaray Xaaladda guud ee Dalka & in si wadajir ah loogu wajo arrimaha mudnaanta leh sida Amniga, Xasiloonida iyo Siyaasadda sida lagu yiri war kasoo baxay xafiisyadooda.
Kulankaan waxa uu ahaa mid muhiim u ah dhinacyadaan oo siyaasad ahaan kala fogaa, wararka ayaa intaas ku daraya in markaan ay isaga dhow yihiin sidii hore maadaama uu u billowday wadahadallo hordhac ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in madaxda Jubbaland iyo Puntland lagu qanciyay inay tageen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.




