Ruushka ayaa ku qaaday Ukraine weeraradii ugu cuslaa ee dhanka cirka muddo todobaadyo ah, iyada oo ay socdaan dadaallo xal waara iyo xabbad-joojin loogu raadinayo colaadda halkaasi ka oogan muddada sannadaha ah.
Moscow ayaa dhinaca Ukrayn waxa ay ku gantay ku dhawaad 600 oo diyaaraha iswada ah iyo 40 gantaal, muddo todobaad gudihiis ah, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Ukrayn.
Dhimashada hal qof ee magaalada Lviv iyo dhaawaca 15 kale oo ayaa laga soo warinayaa gobolka ku yaalla koonfur-galbeed ee Transcarpathia .