Thursday, July 31, 2025

Real Madrid oo Dadaal Walba Ku Bixineysa Iney Arsenal Kasoo Qaadato Daafac Laf-dhabar u Ah

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn u xoojisay dadaallada ay ku doonayso daafaca dhexe ee Arsenal, William Saliba, iyagoo qorsheynaya inay wafdi u diraan London si ay wadahadallo rasmi ah ula yeeshaan Gunners iyo wakiillada ciyaaryahanka, sida ay sheegeen Cadena SER iyo IndyKaila.

Saliba, oo 23 jir ah, ayaa si weyn u soo jiitay indhaha Real Madrid kadib bandhig cajiib ah uu ka sameeyay guushii Arsenal kaga gaartay Los Blancos garoonka Santiago Bernabéu bishii Abriil 2025. Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa u arka Saliba inuu yahay xudunta difaac ee lagu dhisayo mustaqbalka kooxda, xilli ay kooxda dhibaatooyin ka muujiyeen difaaca kulankii Club World Cup ee ay la ciyaareen PSG.

Inkasta oo Saliba uu heshiis kula jiro Arsenal ilaa 2027, Arsenal waxay si adag u sheegeen inuusan iib ahayn, balse Madrid ma niyad jabin, waxayna bilaabayaan wadahadallo rasmi ah oo muujinaya sida ay uga go’an tahay saxiixiisa.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo kooxda kadib xilli ciyaareed ay ku guuleysteen keliya European Super Cup iyo Intercontinental Cup, iyagoo ku fashilmay La Liga iyo Champions League.

Haddii wadahadallada Arsenal ay burburaan, Real Madrid ayaa u calaamadsatay Ibrahima Konaté beddelka macquulka ah.

W/Q Maxamed Xasan Nuur {Jillibeey}

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles