Sunday, December 21, 2025

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa socdaalka Ra’iisul Wasaare ku xigeenku uu ku joogo dalka Maraykanka, waxaana uu bulshada uga warbixiyay horumarka ay samaysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo xusay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Mudane Saalax, ayaa ku ammaanay doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka socda iyo sida ay u taageeraan bulshadooda waqtiyada adag, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay dalkooda maalgashadaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles