Tuesday, December 23, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Danjiraha Shiinaha

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Danjire Wang Yu ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ee ka dhaxeeyo labada dal, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah labada Jamhuuriyadood.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles