Monday, December 22, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles