Monday, October 13, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isaga oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dalka ka socda iyo qorshaha dowladda ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay culimada iyo ganacsatada kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka, abuurista fursado shaqo, iyo taageerada barnaamijyada horumarineed ee dowladda. Waxaa uuna xusay in doorka qurbajoogta Soomaaliyeed uu yahay mid lama huraan ah, maadaama ay door weyn ka ciyaaraan koboca dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku boorriyey ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka inay sii xoojiyaan isku-duubnida, wadashaqeynta, iyo kalsoonida lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles