Saturday, November 15, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

Ra’iisul Wasare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga shaqada adag ee ay qabteen, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles