Tuesday, December 16, 2025

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ee dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadweynaha ugu jawaabayay si toos ah ayaa sheegay in muddada u hartay ay xaqiijin doonaan guulo ballaaran oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles