R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhambaal isugu jiray hambalyo iyo boogaadin u diray ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland, kadib markii ay kahortageen kooxo khawaarij ah oo isku dayey in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.





