Raysal wasaaraha dalka Qadar, Sheekh Maxamad bin Cabdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa sheegay inuu cambaareynayo wax kasta oo bartilmaameedsanaya kaabayaasha bulshada intii uu socday wadahadal taleefan oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araqchi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa baraha bulshada ku sheegtay, in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiisadaha socda iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.
Intii uu socday wicitaanka taleefanka, ra’iisul wasaaraha Qatar, ayaa la sheegay inuu muujiyay diidmadiisa weerarrada Iiraan ee ay ku qaadayso Qatar iyo dalalka kale ee deriska la ah, gaar ahaan kuwa “iska ilaalinaya ama iska fogeynaya dagaalka”.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, “waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen in bartilmaameedsiga kaabayaasha bulshada iyo kheyraadka dadweynaha aan la aqbali karin” waxayna dhan walba ka cambaareeyeen dhaqanka noocaas ah.




