Friday, January 16, 2026

Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada.

Shirka 12-aad ee Hal-abuurka dunida ee xagga Waxbarashada (WISE),ayaa lagu wadaa 24-25 Noofambar lagu qabto Xarunta Shirarka Qaranka ee Magaalada Doha oo caasimad u ah Dalka Qatar.

In ka badan 200 oo qof oo ka hadlaya waxbarashada, tacliinta sare, tignoolajiyada, siyaasadda iyo arrimaha bulshada ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan shirkaasi oo diiradda lagu saari doonaa mowduuca ka hadlaya qiimaha Waxbarashadu ay u leedahay aadanaha.

Shirka sanadkan waxaa lagu baari doonaa sida nidaamyada waxbarashada loogu habeyn karo hab ku saleysan aadanaha, iyadoo sirdoonka macmalka ah iyo teknoolojiyadaha kale ay si degdeg ah u sii fidayaan ana u horumarayaan.

Dadka ka hadlaya shirkaan waxaa ka mid ah xubno ka socda WISE oo ah madal caalami ah oo la aasaasay 2009, waxayna u adeegtaa sida lagu horumarin karo qaababka waxbarasho ee hal-abuurka leh.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles