War uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS ayaa si xooggan ugu dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan qabsoomidda madasha wadahadalka ee horey la isugu raacay.
War-saxafadeed kooban oo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya loo baahan yahay in ay gaaraan is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobada kale ee qaran ka hor dhammaadka muddo-xileedka dastuuriga ah ee soo socda.
UNTMIS waxay si dad ban u sheegeen in ay ka xun yihiin in wakiillo horudhac ah oo ka socday Puntland iyo Jubbaland laga celiyay garoonka Muqdisho, taasoo ay sheegeen in ay keeni karto in ay shirka imaan waayaan sababo la xiriira sharuudaha dowladdu ku xirtay.
Sidoo kale, UNTMIS waxay ku boorisay in si degdeg ah loo dhammeeyo shaqada diyaarinta ee kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ay sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi ku habboon qabsoomidda wadahadalka iyo gaarista heshiis.
Discover more
Online Radio Streaming
radio
Human rights advocacy tools
Warka Qaramada Midoobay ayaa kusoo kaddib markii maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib hawada uga celisay diyaarado siday ciidamo iyo hubkooda, kuwaas oo ahaa ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland.




