Wednesday, November 26, 2025

Puntland oo war ka soo saartay duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen Buuraha Calimiskaad ee Gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa War ka soo saartay howlgal culus oo cir iyo dhul isku jiray, oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen Togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan maleeshiyada Daacish.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta X ee maamulka Puntland waxaa lagu yiri: “Aaga Calmiskaad, howlgal cir iyo dhul ah oo ay fuliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsare oo ka tirsan argagixisada Daacish. Wixii faahfaahin ah waan ka soo gudbin doonnaa.”

Howlgalkan maanta dhacay ayaa noqonaya kii labaad ee dhulka ah oo Maraykanku ka fuliyaan aagga Calmiskaad sanadkan.

Howlgalkii hore ee bishii July ayaa lagu qabtay madaxii maaliyadda Daacish, Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac), oo sidoo kale ahaa wakiilka u qaabilsan ajaaniibta kooxdaas.

Dowladda Maraykanka weli faahfaahin dheeri ah kama aysan bixin hawlgalkan cusub ee ka dhacay gobolka Bari.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles