Markabkan ayaa la sheegay inuu sido shixnad hub oo baaxad leh, kuna jirto gaadiid dagaal oo gaashaaman, beebayaal casri ah oo aan horey loogu arag Geeska Afrika, iyo agabyo milatari oo tiro iyo tayo leh.
Hubkan dhammaantiis ayaa leh calaamadaha dowladda Turkiga, waxaana la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda markabkan waxaa gacanta ku haya cutubka ciidamada badda ee PMPF (Puntland Maritime Police Force), kuwaas oo si degan u wadaan baaritaan la xiriira ujeeddada rasmiga ah ee shixnaddan hubka ah.
Guddoomiyaha gobolka Raascaseyr, Mudane Cumar Cismaan Siciid, oo lahadlay warbaahinta ayaa si cad u xaqiijiyey qabashada markabka.
Arrintan ayaa imaneysa xilli xiriirka milatari ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu marayo heer sare, iyadoo Turkigu uu bixiyo tababarka ciidamada, qalabkooda, iyo taageero dhanka sirdoonka ah.
Si kastaba, qabashada markab siday hub culus oo aan la ogeyn faahfaahinta buuxda waxay sare u qaaday su’aalo badan oo ku saabsan maaraynta iyo isku xirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.