Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed uu xiligan marayo dalka, iyagoo eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana taageeray warmurtiyeedkii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka weecatay ajandeyaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed. Jubbaland waxay ku baaqday wadatashi qaran, iyadoo sheegtay in hoggaanka hadda jira uu ku guuldarreystay mideynta shacabka, kana mashquulay dano siyaasadeed oo gaaban.
Dhanka kale, Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku cambaareysay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ku mashquulsan yahay kala qaybin siyaasadeed iyo faragelin ku saabsan hay’adaha dastuuriga ah iyo ururrada siyaasadeed. Puntland waxay ku celisay walaaca ay ka qabto hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka, waxayna ku baaqday in doorashooyinka dalka lagu qabto heshiis loo dhan yahay.
” Puntland waxay cambaareynaysaa siyaasadda guracan ee Madaxweynaha JFS uu ku faragalinayo, kuna kala qaybinayo hay’adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda Dowladda Federaalka. Dhaqanka faragalinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku saleysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.






