Sunday, April 5, 2026

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay goob ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda iyo olole xooggan, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiinta xil doonka ah iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaraya mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidii bulshada deegaanka ay uga tashan lahayd geeddi-socodka maamulka, iyadoo mas’uuliyiintu ay la kulmayaan qaybaha kala duwan ee bulshada si loo helo aragti mideysan oo ku aaddan jihada siyaasadeed.

Inta badan kulamada ayaa si gaar ah loogu lafa-gurayaa qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah ee dowladda Federaalka horey u shaacisay, kaas oo lagu dooranayo xubnaha goleyaasha deegaanka ee Koonfur Galbeed.

Baydhabo oo noqotay xarunta siyaasadda dalka ayaa martigelisay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale magaalada jooga Guddoomiyaha Baarlamaanka, hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah.

Kulamada xasaasiga ah ee ka socda magaalada ayaa la filayaa inay horseedaan go’aanno muhiim ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah, laguna doorto goleyaasha deegaanka iyo xildhibaannada ka hor doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Baydhabo ayaa haatan isu beddeshay xarun siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo laga sugayo go’aanno saameyn weyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles