Koox hubeysan ayaa xalay degmada Beledxaawo ku dishay Sheekh Maxamuud Maxamed, oo si weyn loogu yaqaanay magaalada Beledxaawo.
Marxuumka ayaa ahaa shaqsi caan ka ahaa baraha bulshada, isagoo si joogto ah uga hadli jiray xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee magaalada Beledxaawo, isagoo falanqeyn ka bixin jiray arrimaha siyaasadeed iyo dagaallada ka dhacay magaalada.
Magaalada Beledxaawo ayaa muddo shan bilood ku wajahaysa Dagaallo, dilal qabiil, iyo weeraro argagixiso ayaa si joogto ah uga dhacaya magaalada, iyada oo dadka shacabka ah ay la tacaalayaan amni darrada.
Magaalada Beledxaawo waxay ka mid tahay meelaha ugu amni darran ee Gedo, iyadoo ay jirto xaalad adag oo ku saabsan xoojinta ciidanka, si looga hortago argagixisada iyo dilalka
Magaalada Beledxaawo ayaa u baahan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyso saraakiisha iyo amniga magaalada.
Shacabka Beledxaawo waxay ku jiraan xaalad adag, waxayna u baahan yihiin taageero iyo xal degdeg ah oo amni.




