Friday, August 1, 2025

NISA oo War ka soo Saartay Howlgal ka dhacay Afgooye

Nabad sugida Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal xalay ciidamadoodu ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose lagu qabtay labo xubnood oo ka tirsanaa ururka AS
Qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah labada xubnood ee Afgooye laga qabtay uu ahaa horjooge AS u ururin jiray lacagaha ay sida baadda ah dadka uga qaadaan
Qofka labaad waxaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa qeybta loo yaqaan Amniyaadka AS waxaana uu ku hawlanaa ururinta xogaha ciidamada sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.
Qoraalkaan laguma sheegin magacyada xubnahaa ay NISA sheegtay inay AS ka tirsanyihiin ee xalay laga soo qabtay degmada Afgooye

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles