Nin baastoolad ku hubeysan ayaa xalay laba qof ku dilay Suuqa Hoose ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu rasaas ku furay gaari yar oo dadweynuhu isticmaalaan, kaas oo taagnaa boosteejada laga raaco gaadiidka xaafadaha Hargeysa.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka uu dhacay xilli uu socday dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee suuqa, islamarkaana dadka la beegsaday ay saarnaayeen mid ka mid ah basaska yaryar ee u kala goosha xaafadaha magaalada.
Ninka weerarka geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana si degdeg ah u bilaabmay baaritaanno ay wadaan ciidamada ammaanka Somaliland.
Dilka ayaa argagax ku reebay dadkii ku sugnaa suuqa, iyadoo arrintan ay dib usoo kicisay walaacii hore ee la xiriiray ammaanka gudaha magaalada, gaar ahaan goobaha ay dadku si weyn isugu yimaadaan.
Maamulka Somaliland weli kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.