Liverpool ayaa ogolaatay lacag rikoorka suuqa kala iibsiga ah ee Ingiriiska oo dhan 125 milyan ginni si ay ula soo wareegto Weeraryahan Alexander Isak oo ka tirsan Newcastle United.
Ilo Wareedyo ku dhow Heshiiska ayaa sheegay in Heshiis uu Xiddiga Sweden ugu Wareegayo Anfield uu haatan jiro.
Ilo wareedyo Newcastle ayaa sheegaya in heshiiska uu ku kici karo 130 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo dheeri ah.
Isak ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka maro Maanta oo Isniin ah ka hor inta uusan saxiixin qandaraas lix sano ah.
Liverpool ayaa laga soo diiday dalabkii asalka ahaa ee 110 milyan ginni bishii August laakiin haatan waxa ay qarka u saaran yihiin in ay helaan dooqooda kowaad ee xagaagan.