Thursday, July 31, 2025

Naadiga Arsenal oo la Soo Wareegtay Viktor Gyokeres

Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa weerar yahankii reer Sweden ee Viktor Gyokeres kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Portugal ee Sporting aduun dhan 73m euros (£63m).
27-sano jirkaan ayaa Gunners u saxiixay heshiis shan sano ah ka dib markii heshiiska la hakiyay sababtoo ah wadahadalo u dhexeeyay kooxaha oo ku saabsan lacago dheeri ah.
Wadarta ugu dambeysa waxa ay ka kooban tahay 63m euro qiimaha kala iibsiga iyo 10m euros oo lagu daray.
Tillaabadan ayaa Arsenal ku qarash gareysay xagaaga ilaa 204 milyan ginni, ka dib imaatinka Martin Zubimendi, Kepa Arrizabalaga, Christian Norgaard, Noni Madueke iyo Cristian Mosquera.
W/Q Maxamed Xasan Nuur [jillibeey}

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles