Monday, December 15, 2025

MW Xasan Shekh oo la kulmay Amiirka Dalka Qadar.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar.

Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoadadheer ee ka dhexeeya labada dal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles