Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah.




