Friday, August 1, 2025

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirka ka dhacaya Itoobiya

MadaxweynahaSoomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ugu  qeyb galayo shir heer sare ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaas.

Shirkan oo ah mid muhiim ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka Liibiya, iyadoo madaxda Midowga Afrika ay ka doodayaan xal waara oo lagu gaari karo colaadda muddada dheer ka taagan dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu ku ifinayo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada Afrika ay ugu jirto xalinta khilaafaadka gudaha qaaradda.

Ilo ku dhow wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in kulammo gaar ah uu la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Shirkan ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo waqooyiga qaaradda ay wajahayaan xaalado isbeddelaya, kuwaas oo u baahan mideynta dadaallada si loo helo nabad waarta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles