Monday, February 23, 2026

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ah wakiillada dowladda uga qeybgalaya wada-hadallada siyaasadeed ayaa gaaray Hotel Airport ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la leh madaxda Golaha Mustaqbal, kuwaas oo hotelkaasi ku leh shirar xasaasi ah, iyadoo ka filayo in go’aan ka soo saaraan shirkii shalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankii shalay dhexmaray dowladda iyo mucaaradka ayaan wax natiijo ah laga gaarin, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la hadlay xubno mucaarad ah, isagoo sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan si xal looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles