Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo, kaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, adkeynta amniga, xasillinta, dib-u-dhiska hay’adaha maamulka iyo dardargalinta adeegyada dowliga ah.




