Sunday, November 16, 2025

MW Xasan oo kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Aaden Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada aqal, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrinta furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu labada Guddoon u sheegay in kalfadhiga Baarlamaanka si rasmi ah loo furi doono marka uu ka soo laabto safarkiisa Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu maanta oo Sabti ah si rasmi ah ugu gudbin doono Guddoonka labada Aqal warqadda codsiga ku saabsan in Mw la siiyo muddo kooban dib na looga dhigo furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu safar shaqo ku tago magaalada Doxa ee dalka Qatar, ka hor inta uusan u ambabixin safarka Mareykanka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles