Thursday, July 31, 2025

MW Cali Gudlawe oo Xariga ka jaray mashruuca SCRP oo dhismooyin kala duwan kusoo kordhiyey Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah galabta xariga uga jaray mashruuca SCRP oo dhismooyin kala duwan kusoo kordhiyey Hirshabeelle.
Wasaaraddaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Howlaha Guud oo kaashanayo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa wadajir u hirgeliyey mashruuca kasoo kabsashada xasaraddaha Soomaaliya (SCRP) kaas oo ka kooban xarumo caafimaad, waddooyin, caro-tuur webiga iyo kanaallo laga hirgeliyey Dowladda Hirshabeelle.
Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday xarun caafimaad oo si casri ah loo dhisay taas oo laga horgeliyey xaafadda Kulmis ee magaaada Jowhar.
“Xarumaha caafimaad iyo waddooyinka lagu dhisay mashruuca (SCRP) waxay waxtar u leeyihiin bulshada gaar ahaan Hooyadda iyo Dhallaanka oo u baahan daryeel gaar ah.” Furitaanka munaasabadda waxaa haddalkan ka yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka taageerada Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles