Wednesday, August 20, 2025

MW Cali Gudlawe oo Xafiiskisa Ku qaabilay Ergayga gaar ah ee Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene “Boly” oo dhawaan loosoo magacaabay Ergayga gaar ah ee Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howgalka AUSSOM.
Ugu horeyn Danjire El-hadji, ayaa uga warbixiyey madaxweynaha sida uu u socdo howlgalka AUSSOM qeybta Hirshabeelle oo ay joogaan ciidamo ka kal socda Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.
Waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay Midowga Afrika taageeradooda Soomaaliya inay sii wadaan.
“Midoowga Afrika iyo howlgalka AUSSOM waxaan ku ammaanayaa garab-istaagooda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka Khawaarijta.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa sidaas ku waramay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Ergayga gaarka ah ee Midoowga Afrika waxa uu la wadaagay sida ay lagama maarmaan u tahay in la wiiqo awoodda Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles