Wednesday, July 30, 2025

MW Cali Gudlaawe oo shir guddoomiyay kullanka Golaha Wasiirada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada.
Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka Amniga waxa uu xusay in farsamo ahaan lagu mashquulsan yahay sidii dib looga saari lahaa Khawaarijta degmooyinka iyo deegaanada kooban ay kaga sugan yihiin Dowladda Hirshabeelle.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la-wadaagey in la howlgeliyey xarumo caafimaad oo laga dhisay magaalooyinka Jowhar, Buulo-burde iyo Beledweyne kuwaas oo u adeegi doono bulshada.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha, ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan Maareynta Maaliyadda iyo isku-xirka mashaariicda.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa su’aallo isla-xisaabtan u badan weydiiyey qaar ka mid ah Wasaaraddaha gacanta ku haayo mashaariicda.
Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa Duqa magaalada Beledweyne Nadar Maalin Tabaax ku boogaadiyey hufnaanta iyo kaalinteeda Dowlad-dhiska.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasaaraddaha iyo howlwadeennada ku howlan mashaariicda inay dardargeliyaan si looga faa’ideeyo bulshada Hirshabeelle.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles