Wednesday, February 4, 2026

Mbappe oo Bannaanka Keenay Sir Weyn oo Fududeyn Doonta Guulaha mustaqbalka Ee Real Madrid!

Kylian Mbappé ayaa ka hadlay guushii 2-1 ee Real Madrid ka gaartay Marseille kulan ka tirsan UEFA Champions League habeenkii Talaadada.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa wareysi ciyaarta kadib lagu weydiiyay in tababare Xabi Alonso uu ka codsaday kooxdiisa inay ciyaarta kusoo galaan xamaasad dheeri ah.

“Wuxuu naga rabaa inaan kubbadda si dhaqso ah u soo ceshanno,” ayuu ku jawaabay Mbappé. “Waa inaan fahannaa waxa aan samaynayno, marka aan fahanno taasna waxaan helaynaa go’aan iyo geesinimo aan ku sasmeyno ciyaarta, waayo waxaan rabnaa inaan guuleysanno.

“Si fiican ayaan isku fahannaa, markaa waan ognahay waxa aan u baahannahay inaan sameyno, waxaana u sameyneynaa calaamaddan aawadeed(astaanta kooxda).”

Mbappé ayaa intaas ku daray:

“Anigu mar walba waxaan sameeyaa waxa uu tababaruhu doonayo. Maanta wuxuu iga codsaday inaan cadaadis saaro weerarka si aan u caawiyo, waayo waxaan sameynay hardan badan si aan kubbado badan u soo ceshanno.

“Waxaan ku sii socon doonnaa inaan sidaas sameyno, way fududaandoontaa mustaqbalka, waxeyna ka caawin doontaa kooxda inay ku guuleysato koobab.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles