Monday, February 16, 2026

Maxkamadda ciidamada oo fulisay dil toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka fulisay xukun dil ah oo horay ugu riday laba nin oo lagu helay dambiyo culus oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada nin ee xukunka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule, oo loo yaqaan (Gacmey), iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, oo loo yaqaannay (Baari, Biibaaye, Sacad). Sida ay maxkamaddu sheegtay, labadan eedeysane ayaa si rasmi ah loogu helay ku lug lahaansho falal argagixiso oo sababay khasaare naf iyo mid hantiyeed.
Eedeysanayaasha ayaa horey loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, halkaas oo si buuxda loo dhageystay eedaha ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, doodaha difaaca ee qareennada u doodayay, iyo dhammaan caddeymaha la xiriira dacwadda. Kadib marxalado sharciyeed oo kala duwan, maxkamaddu waxay ku dhawaaqday xukun dil ah oo kama dambeys ah, kaas oo saaka la fuliyay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in fulinta xukunka ay ku timid kadib markii la dhammeeyay dhammaan fursadihii racfaanka iyo habraacyadii sharciga ee u degsanaa dacwadaha noocan ah, iyadoo la raacayo shuruucda dalka u yaalla.
Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay si xiriir ah u fulinaysay xukunno dil ah oo ka dhan ah dad lagu helay dambiyo argagixiso iyo dilal culus. Waxaa sidoo kale xabsiyada ku jira dad kale oo isugu jira xubno lagu eedeynayo ka tirsanida ururka Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah ciidamo ka tirsanaa dowladda oo lagu helay falal dil ah, kuwaas oo weli maraya habraacyada sharciga.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, laguna xaqiijinayo in ciddii ku lug yeelata falal lid ku ah nolosha shacabka lala xisaabtamo si waafaqsan sharciga.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles