Thursday, August 21, 2025

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo saaka dil toogasho ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo magac afgarasho u adeegsaday Cali & Siyaaf, iyo Cabdiqaadir Abuukar Axmed, oo isaguna magac afgarasho u adeegsan jiray Nasru-diin & Saabir.

Dhamaan labadan ayaana ka wada tirsanaa Al-shabaab waxaana ay Dilal iyo Qaraxyo horay uga gaysteen Caasimadda iyo Gobolada dalka.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii xukun dil toogasho ah lagu fuliyay rag ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo horay dilal u geystay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xukunsanayaal ah, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo la filayo in dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles