Wednesday, August 20, 2025

Masuuliyiin Katirsan Hirshabeelle oo gaaray Deegaanka Xaaji Cali ee G/SH/Dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hoggaaminaya Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha qeybta Booliska Hirshabelle Jeberaal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Muuse Shitaawe.
Kormeerka masuuliyiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Hirshabelle ay ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qayb qaadanaya xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee ku diyaarsan Degmada Cadalle iyo aageeda oo safarkani lagu dhiirrigelinayay, ayaa door muuqda ku leh dagaalka lagu wado in lagaga saaro Khawaarijta deegaannada gobolka.
Masuuliyiinta ayaa ku boorriyay ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ay garab istaagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kaas oo ka bilaabanaya gobolka Shabeellaha Dhexe.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles