Saturday, August 2, 2025

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Arrimaha Baarista, Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Mogadishu Alport Corp. (Albayrak-Soomaaliya).

Intii uu socday kulanka waxaa lagu falanqeeyay dhaqan-gelinta talooyinka ka soo baxay Baarista Maaliyadeed ee la xiriirtay shirkadda Albayrak-Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray xal u helidda caqabadaha soo noqnoqday iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Labada dhinac waxa ay isku raaceen in la fuliyo talooyinka XHGS, lana xoojiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles