Thursday, April 9, 2026

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey oo soo gaaray Muqdisho.

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday dalka Turkiga.
Madaxda Qaranka ayaa la filayaa inay dhawaan dekedda Muqdisho kaga qeyb galaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markabkan iyo kuwo kale oo la socda. Markabkan ayaa bilowga toddobaadka dambe u jihaysan doona xeebaha Galmudug, halkaas oo laga sameeyay sahanno shidaal si loo dardargeliyo howsha soo saaristiisa.
Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, isla markaana kor u qaadaysa rajada laga qabo kobaca dhaqaalaha dalka, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo leh.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles