Sunday, December 21, 2025

Maraykanka oo duqaymo ka gaystay Dalka Venezuela, diyaaradaha dagaalka ee F-35 ayaa la geeyay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha F-35 loo diro Puerto Rico xilli ay soo baxayaan warbixin uu ku miisaamayo fursadaha weerarrada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha daroogada ee ka howlgala gudaha Venezuela, sida ay sheegeen hay’adaha wararka.

Ilo-wareedyo ku sugan Maraykanka ayaa Jimcihii u sheegay wakaaladaha wararka in 10 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah loo dirayo garoon diyaaradeed oo ku yaala Puerto Rico, taas oo qayb ka ah hawlgallada ka dhanka ah kooxaha daroogada ee Latin America oo ay Washington u magacawday ururada “naarko-argagixisada”.

Telefishinka Maraykanka ee CNN, oo soo xiganaya ilo badan, ayaa Jimcihii sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo weerarrada ka dhanka ah kooxaha daroogada ka ganacsada ee gudaha Venezuela, taas oo calaamad u noqon doonta xiisadda ka dhex aloosantay Washington iyo Caracas.

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa jimcihii ugu baaqay Mareykanka in uu ka tanaasulo qorshihiisa isbedelada nidaamka rabshadaha ee Venezuela iyo dhammaan Latin America.

Maraykanku waa inuu “ixtiraamo madaxbannaanida, xaqa nabadda, madaxbannaanida,” ayuu yidhi Maduro.

Maduro waxa uu abaabulay militariga Venezuela, oo tiradooda lagu sheegay 340,000 oo askari, xilli toddobaadyo ay socdeen hanjabaado Mareykan ah, iyo xubno kayd ah iyo xubno maleeshiyaad ah, kuwaas oo uu sheegay in ka badan sideed milyan.

“Haddii Venezuela la soo weeraro, waxay isla markiiba geli doontaa xilli halgan hubaysan,” Maduro ayaa u sheegay wariyeyaasha horaantii toddobaadkan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles