Saturday, August 2, 2025

Maleeshiyaad la sheegay in ay hub kala dageen Markabkii Puntland qabatay

Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah xoog ku koreen markabkii siday hubka iyo gaadiidka nooca dagaalka ee ciidamada badda maamulka Puntland ku qabteen xeebta degmada Bareeda ee  Raascaseyr.

Maleeshiyaadka hubeysan, ayaa la sheegay in markabka kala dageen hub fudud oo saarnaa una badnaa qoryo nuucyo cusub ah oo Turkiga ugu tala galay ciidanka Soomaaliya, waxaana hubkaasi kala degay lagu arkay deegaanno katirsan Puntland.

Markabka lagu magacaabo Sea World ee laga leeyahay Turkiga, ayaa lagu qabtay biyaha Puntland,waxaana markabka la sheegay in ay saaran yihiin gaadiidka dagaalka , gaar ahaan nuucyada loo yaqaan beebaha oo casri ah , hub iyo saanad kale oo milatari.

Waxaana la isweydiinaya sida ay maleeshiyaad ku qaadan karaan hubka saaran markaba ay ilaalo ka hayeen ciidamada Puntland oo gacanta kusoo dhigay, walina ma cadda tirada hubka maleeshitaadka kala dageen markabka hubka waday.

Maamulka Puntland, ayaan wali si rasmi ah uga hadlin markabka ay ciidankooda qabteen, sidoo kale ma jiro wax war ah oo laga soo saaray ilaa hadda boobka la sheegay in loo geestay markabka hubka siday loogana qaatay qaar kamid ah hubkii fududaa uu waday.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles