Wednesday, July 30, 2025

Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo wajahayaa cunto yari iyo daryeel la’aan caafimaad

Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga digtay xaaladda bani’aadamnimo ee ka sii daraysa gudaha Soomaaliya, kadib markii ay hoos u dhacday taageeradii dhaqaale ee beesha caalamka.

Warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku-duwidda arrimaha gargaarka (OCHA) ayaa tilmaamtay in malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay wajahaan xaalad aad u halis ah oo la xiriirta gaajo, nafaqo-xumo, iyo adeeg la’aan caafimaad.

Warbixintu waxay muujinaysaa in ku dhawaad 4.6 milyan qof ay hadda wajahayaan xaalad cunno yari daran guud ahaan dalka, Waxaa intaa dheer, in lagu qiyaasay 1.8 milyan oo carruur ah oo ka yar da’da shanta sano inay la tacaalayaan nafaqo-xumo daran sanadkan 2025.

Waa tiro cabsi leh, sida ay sheegtay OCHA, iyadoo xasuusinaysa deeq bixiyaasha in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xaaladdaan, ay khatar weyn ku jirto nolosha kumannaan carruur ah.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in gargaar cunnadeedka oo ay dad badani ku tiirsanaayeen uu hoos u dhacay in ka badan 50% marka la barbardhigo isla xilligii sanadkii hore, Hoos u dhacaasi wuxuu durba saameeyay in ka badan 150 xarumood oo caafimaad, taasoo ka tagtay boqollaal kun oo qof iyagoo aan helin adeeg caafimaad oo aasaasi ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles