Thursday, October 16, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamanka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles