Saturday, December 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxbannaan ee xuquuqul Insaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha Guddigan ayaa xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles