Sunday, February 15, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee Labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles