Thursday, January 22, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles