Sunday, February 1, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles