Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.




